Ciidamo sugaya amniga goobaha Doorashada ee Baladweyne oo tababar u furmay

0

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa loo furay tababar ku aadan habka sugida amniga goobaha lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee halkaas ka dhaceysa.

Madaxa Macalimiinta Booliska Federaalka Col. Cabdiraxmaan Cismaan Koronto ayaa sheegay in tababarka loo furay Ciidanka Booliska uu yahay mid ku saabsan habka loo sugo amniga goobaha lagu qabanayo doorashada ka dhaceysa Baladweyne.

Waxaa uu sheegay Col. Cabdiraxmaan Cismaan in Ciidanka qaabanayo tababarka looga baahan yahay inay si wagaasan u qaatan casharada la xiriira doorashada ee la siinayo, isla markaana ka faa’iideystaan tababarka, si ay sugaan amniga.

Taliyaha Booliska Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle G/sare Isaaq Cali Cabdulle ayaa dhankiisa sheegay in Magaalada Baladweyne lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, ayna sugayaan amnigeeda, isagoona dardaaran u jeediyay Ciidanka.

Taliye Isaaq Cali Cabdulle ayaa tilmaamay in sigaar ah Ciidanka tababarka u furmay la barayo sida ay u maareynayaan gudaha amniga Xarumaha doorashada, isla markaana Ciidanka tababarka la siinayo ay qaadi doonaan Mas’uuliyad weyn.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah Magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka, waxaana maalmo kahor halkaas gaaray Wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal.