AKHRISO:- Dad horleh oo ka barakacay Guriceel

0

Dad horleh oo ka barakacay xiisadda ka taagan degmada Guriceel ayaa Maanta waxaa ay gaareen degaanka Ceelbaraf oo kamid ah degaannada hoostaga degmadaas.

Dadka oo gaaraya ilaa 50 qoys ayaa Guriceel uga barakacay cabsi la xiriirta dagaal dhexmara Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidamada Ahlusunna oo dhawaan la wareegay Guriceel.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayaan in gudaha degmadaas Maanta laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ahlusunna si ay isaga difaacaan hadii la soo weeraro.

labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Guriceel ku sugan Ciidamo iyo hoggaanka Ahlusunna, waxaana mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ay sheegeen inay dib ula wareegi doonaan degmadaas.