AKHRISO:- Maxay ka wada hadli doonaan Uhuru Kenyatta iyo Joe Biden?

0

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku martigelin doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kulan ka dhici doona Washington berri oo Khamiis ah.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka uu qiimeynayo cuanqabateyn uu saaro dhinacyada colaadu u dhaxeyso ee dalalka dariska la ah Kenya ee Bariga Africa.

Kulanka Aqalka Cad ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu Biden la qaato hogaamiye African ah.

Afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtey in labada hogaamiye ay ka wadahadli doonaan dadaallada lagu difaacayo demoqraadiyada, xuquuqda aadanaha, laguna hiigsanayo nabadda iyo xasilloonida iyadoo sidoo kalena sare loo qaadayo kobcinta dhaqaalaha si loola tacaalo isbedelka cimilada.

Kenya ayaa hadda heysa kursiga wareegtada ah ee golaha ammaanka QM bishan. Mareykanka iyo Kenya ayaa leh wadashaqeyn dhinaca dhaqaalaha iyo ammaanka oo ay soo raacdo la dagaalanka argagixisada.

Maamulak Biden ayaa eegaya talaabo lagu ciqaab oo lagaga jawaabo xasarada sii xumaaneysa ee Waqooyiga Ethiopia, halkaasi oo kumanaan kun oo qof lagu diley malaayiina ay ku barakeceen, kuwaasoo hadda u baahan gargaar bani’aadaminimo.