AKHRISO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo Safar maalmo qaatay ugu maqnaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka baay.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo Wafdiga Madaxweynaha waxa kusoo dhoweyey Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Maamulka Degmada Baydhabo iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada.

Madaxweyne laftagareen ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay Magaalada Baydhabo, isaga oo ka warbixiyay safaradii uu ku kala bixiyay Muqdisho iyo Baraawe.