AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle” Doorashada Golaha Shacabka si Cadaalad ah ayay ku dhici doontaa”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in si Nabad ah ugu soo geba-gabowday dhawaan qabashada doorashada Xubnaha Aqalka Sare ku leeyahay Maamulka Hir-Shabeelle, si cadaalad ahna ay u qabteen.

Waxaa uu sheegay in arrimaha doorashooyinkii ka dhacay Hir-Shabelle ay aheyd mas’uuliyad gaar ah oo saarneyd, waajibkii looga baahnaa ee ahaa inay si Cadaalad ah u qabtaan ay ku guuleysteen.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guuaawe Xuseen ayaa ugu dambeyn sheegay inay ka go’an tahay in si lamid ah doorashadii Aqalka Sare ay u qabteen uu u balan qaadayo inay u qaban doonaan doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe waxaa uu sheegay xilli Maanta uu soo gaaray Magaalada Muwdisho, isaga oo ka uimid Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle.