AKHRISO:- Garsoore Cabdiqawi oo kasoo horjeestay qodobo kamid ah Go’aankii Maxkamadda ICJ

0

Garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah Soomaali ka mida garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ayaa sheegay in go’aankii kasoo baxay maxakmadda ee ah qaloocinta ay Maxkamadu ku sameysay xariiqii toosnaa ee ay u xukuntay Soomaaliya, sidaasina xuduud badeed lagu siiyey Kenya aysan sharci ahayn, ayna tahay mid ay Maxkamadda ku hareer martay sharciyadeedii iyo go’aano hore ay u soo
saartay.

Qoraal uu soo saaray Garsoore Cabdiwaqi ayaa waxaa uu ku sheegay in Maxkamadda ku hareer
martay sharciyadeedii iyo go’aano hore ay u soo
saartay, isla markaana aysan cadaalad iyo sharci ahayn in Kenya ay Maxkamadda siiso xuduud badeed iyadoo la cuskanayo bad ciriiri kasoo wajahay heshiis ay iskeed ula gashay dalka
Tanzania oo ay ku weysay xuduud Bad oo dhan
25,000 Miles.

Shalay Gelinkii dambe ayaa Maxkamadda Cadaalladda Adduunka ee ICJ waxaa ay Soomaaliya inta badan u xukuntay inay leedahay Dhul badeedkii ay muranka gelisay Kenya, waxaana go’aankaas kasoo horjeestay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.