Soomaaliya oo ku guuleysatay Dacwaddii badda ee Kenya ay muranka galisay

0

Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaartay Dacwaddii badda ee ay isku Kenya ay ku haysatay Soomaaliya, waxaana Maxkamaddu ay goor dhaweyd ku dhawaaqday go’aanka kama dambeyta ah.

Maxkamadda ayaa Soomaaliya u xukmisay Soomaaliya, waxaana aaggii la isku haystay ku guuleysatay Soomaaliya.

Sidoo kale Maxkamaddu waxaa ay  diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee ku doodaysay inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Maxkamadda ICJ sida ay u calaameysay xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya. Sida ka muuqata sawirka hoose, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka.