Maxaa maanta laga filayaa maxkamada ICJ ee ku aadan dacwada muranka Badda?

0

Ugu horreyn Maxkamadda Caddaaladda ICJ waa Hay’ad Garsoor oo la dhisay 1945-tii, Waxayna hos timaadaa Qaramada Midoobay, xarunteeduna waxa ay ku taal “ Hague” oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland.

Sida dadka intooda badan ay la socdaa Somaaliya ayaa ku soo gabagabeysay dood afeedkeedii ee maxkamadda caddaalada aduunka “ICJ”, oo ku saabsanaa dacwada Muranka Badda ee Somaliya iyo Kenya, Laba maalin oo isxigay.

Arinta in la xuso mudan ayaa ah in Soomaaliya iyo Kenya ka mid yihiin dalalkii saxiixay heshiis looga hadlayey in la sameeyo xeerka Badaha Adduunka ee qarammada Midoobey, 1982.

Kenya 2005 ayay nakhsshada badaleen waxay isku dayday inay wada hadal kala gasho Somaliya waa ay u socon waysay.

12ka Oct oo ku began Maalinta Talaadada soo socota, ayaa maxkamada Caddaaladda ee ICJ siday horay u shaacisay go’aamin doonto Muranka ay D.kenya baddeenna gelisay.

1) WAA MAXAY DOODa DOWLADDA KENYA:
Waxaan shaki ku jirin in dooda kenya ee dhaheysa In ay la gashay isfahan dowlada Soamaaliya 2009 dowladii ku meel gaarka ahayd, doodeedana waxaa ka mid ahaa arintan

Sidoo kale dooda Dowladda Kenya ayaa ahayd in laga maarmo Tagida Maxamakamadda ICJ, oo wada hadal labada dinac ah la galo.

Waxaa xusid mudan in xiligii dowladdii Hassan Sheikh labo jeer kenya la isku arkey, dhanka somaliya waxaa ka socdday Abdiweli sheikh, oo xilligaa ahaa Reysul-wasaaraha DFS waxaana lagu ballamay in guddi farsamo la dhiso, Si toosna loo wada hadlo, Marar badan ayaa Dowlada Kenay cudurdaar ka sameysay ballamihii la qaqabtay.

Arimahaa marka la isku geeyo waxay abuurayaa rajo wanaagsa oo dhanka Somaliya, Waayo Kenya heshkii la rabay in si niyad wanaag ah looga wada hadlo ayey Meesha ka saartay, Waxayna bilowday in ay carqaldeyso siyaasada labada dal ka dhaxeysay ee dhanka diplomatic-ga.

Kenya waxaa laga rabay in inta heshiis niyad wanaag ku dhisan laga gaarayo aysan sameyn carqaldeyn xagga heshiiska.
in cidna aysan ka shaqeen Karin in dhibaato la gaarsiiyo heshiiska.

2) Ma laga bixi karaa Awoodda ICJ?
Maxakkamadda ICJ waa Hay’ad kamid ah Hay’adaha QM, waxaana si toos ah uga mid ah Dowladaha xubinta ka ah QM.

Xeerka Maxkamadda ICJ ma sheegayo mana ku xusna ka bixitaanka Dowlad ee nidaamka.

Mar haddii Xeerku ku xusneyn habaka ka bixidda heshiiska jawaabta ayaa noqonayso in aan laga bixi Karin, sidookale Kenya waxay ka mid tahay Dowladaha qasabka ay ku tahay inay u hogaansamaan xukunka maxkamada, waxa ayna saxiixday awoodda qasabka ah 19-april 1965-tii, halka soomaaliya ay saxiixday 11-april-1963.

3) Waa maxay rajada ay ka qabto D.Soomaliya Kiiska Badda?

Rajada Soomaaliya waa mid aad u wanaagsan waayo markaan dib u fiirinno Arimaha ay qareennada dood afeedkooda ku soo qaadeen ayaa ahaa kuwa waafaqsan heshiiska Badaha ee Unclose Sida Qodobada 74 faqradiisa 3aad iyo Q.83 faqradiisa 3aad.
labadan qodob ayaa ku xusan, In aan dhibaato la galin Karin heshiiska labad dal ka dhaxeeya, inta laga gaarayo heshiis niyad sami ku dhisan.

Haddii ay Kenya doodeeda sax ahaan laheyd ma aysan carqaldeyn laheyn siyaasada labada dal ka dhaxeysay ee dhanka diplomatic-ga.