AKHRISO:- Golaha Nabadda Iyo Ammaanka Ee Midowga Afrika Oo Taageeray Qorshe Lagu Bedelayo AMISOM

0

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika ayaa meel-mariyay soo jeedin ah in la howlgeliyo ciidamo isku dhaf ah oo ka socda AU-UN si ay u beddelaan AMISOM dhammaadka sannadkan.

Qorshahan ayaa ah in wixii ka dambeeya 2021 howlgalka Amisom lagu wareegiyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo wadajir ah. Ama in Soomaaliya la geeyo ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika.

Qorshahan oo horey ugasoo baxay guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, ayaa u baahnaan doona oggolaanshaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay (UNSC), si loo ballaariyo waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Wuxuu u oggolaanayaa Golaha inay go’aamiyaan jiritaanka wax kasta oo khatar ku ah nabadda, jebinta nabadda, ama ficilo gardaro ah iyo inay qaadaan tallaabo milatari iyo mid aan milatari ahayn si dib loogu soo celiyo nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Warbixin Khubaro Madaxbanaan ayaa bishii Ogosto soo jeedisay in ciidamada tirada badan ay kala wareegaan AMISOM, oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uusan maalgelin.