AKHRISO:- Xasan Sheekh & Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Caawa hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho ku Booqday Madaxweynihii hore ee Dalka ahna Musharax Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada Masuul ayaa iska xog-wareystay Xaaladda Dalka gaar ahaan Arimaha Doorashooyinka.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maanta Midowga Musharixiinta oo uu Xasan Sheekh kamid yahay dib u dhaca doorashada ay ku eedeeyeen Golaha wadatashiga Qaran oo uu kamid yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.