AKHRISO:- Midowga Musharixiinta oo Golaha wadatashiga ku eedeeyay dib u dhaca doorashada

0

Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay walaac xooagn ka muujiyeen dib u dhaca markale ku yimid doorashada Soomaliya, iyada oo jadwalkii ugu dambeeyay ee la soo saaray aheyd in 10-ka Octoober oo shalay ku beegneyd la doorto Madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in dib u dhaca doorashada ay sababtay in dalka uu galo firaaq dastuuri ah & xaalad hubanti la’aan ah, taas oo saameyn taban ku yeelatay xasiloonida, dhaqaalaha & amniga dalka.

Sidoo kale Midowga musharixiinta waxaa ay sheegeen in ay ka xun yihiin in tiro saddex jeer ah dib looga dhacay jadwalka doorashooyinka ee lagu heshiiyay , iyadoo aan shacabka Soomaaliyeed loo caddeynin sababaha keenay dib u dhaca.

“ Goluhu wuxuu dareensinayaa Golaha Wadatshiga Qaran in ay mas’uuliyad ka saarantahay in ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda xaq ugu leeyihiin in ay si daahfuran ula wadaagaan sababaha kallifay in doorashooyinku ay dib uga dhacaan xilliyada loo muddeeyey aya lagu yiri” Qoraalka Midowga Musharixiinta.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta waxaa ay sheegeen inay ka welwelsan yihiin in aysan ilaa iyo haatan shacabka u caddeyn xilliga saxda ah ee ay Doorashada Aqalka Hoose Soomaaliyeed qabsoomayso. Hay’adihii dowladda federaalka oo muddo xiloodkoodii sharciga ahaa dhammaaday ayna keentay hubanti la’aanta siyaasadeed oo sababtay in yididiilladii shacabka yaraato, mugdina hareeyo maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah.

Ugu dambeyn Midowga Musharixiinta waxaa ay hoosta ka xarriiqeen in Golaha Wadatashiga Qaran u qaadayo mas’uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka dalka, wuxuunna ku adkaynayaa madaxda Golaha Wadatashiga in ay dedejiyaan hawlaha doorashooyinka, dhabna u qaataan natiijada taban ee ay dib u dhaca doorashooyinka ku yeelan karto xasilloonida, amniga iyo dhaqaalaha dalka.

“ Goluhu wuxuu ku boorrinayaa madaxda Golaha Wadatashiga Qaran in ay suuliyaan caqabadaha keenaya daaha doorashooyinka, si dalka looga badbaadiyo firaaq dastuuri ah oo dhaawici kara geeddi-socodkii dheeraa ee laga soo maray dowlad dhiska iyo dibu heshiinta dalka.

Doorashada Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa ay dib uga dhacday waqtigii loo asteeyay, waxaana dhowr jeer Midowga Musharixiinta ay ku eedeeyeen in uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hayeeshee markaan ay ku eedeeyeen Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.