AKHRISO:- Maxay ka wada hadleen Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle & Guddiga doorashooyinka Heer Federaal?

0

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee shalay gaaray Magaalada Beledwyene ayaa waxaa ay halkaasi ka wadaan kulamo kala duean oo ay la qaadanayaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ee ku sugan halkaas.

Xubnaha Guddiga ayaa Maanta waxaa ay kulan la qaateen Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne kadib markii uu jowhar kaga qeyb galay doorashada Xubnihii ka harsanaa Aqalka Sare.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa Xubnaha Guddiga waxaa uu warbixin ka siiyay xaalada Magaalada Beledweyne iyo sida uu Maamulka Hirshabeelle ugu diyaarsan yahay qabashada doorashads Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ka codsaday inay kala Shaqeeyaan sidii loo dardar gelin lahaa doorashada Aqalka Hoose iyo adkeynta Amniga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay kormeer amni ku tagaan Goobta loo asteeyay in lagu qabto 25 kursi ee Golaha Shacabka ku matala Gobolka Hiiraan.