AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo xilka qaadis & Magacaabis sameeyay

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Sabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Hay’adda Qaxootiga Khaliiif Warsame Waasuge isagoo shaqai kale u Magacaabay xilkaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cali Guudaawe ayaa waxaa Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga loiguu Magacaabay Cabdisalaan Cabdullaahi Xaashi ( Angola ).

Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa Guddooniye kuxigeenka Hay’adda Qaxootiga Maamulka Hir-Shabeelle loogu Magacaabay Abuukar Xasan Muuse.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada kasoo baxday Madaxweynaha Hir-Shabeelle