AKHRISO:- Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo kormeeray mid kamid ah Goobaha lagu qabanayo doorashada

0

Xubno ka tirsan Guddiga doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo ku sugan Beledweyne ayaa kormeeray xarumaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga oo uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Mowliid Mataan ayaa Goobaha ay kormeereen waxaa ka mid ah Xerada lama-galaay, Xarunta Gobolka iyo xarunta AU Sector 4 ee Ciidamada AMISOM.

Xubnaha labada Guddi ayaa waxaa ay Warbixino la xiriira dhanka amniga ka dhageysteen Saraakiisha iyo Madaxda kale ee ku sugan Xarumaha ay booqdeen, iyaga oo ugu baaqay in la dardar geliyo howlaha sugida Amniga.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa billaabay kormeero kala duwan, waxaana Gelinkii dambe ee Maanta Xubno kamid ah Guddiga ay gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.