AKHRISO:- Culimada Soomaalida ee Kenya oo soo saaray digniin ku saabsan kiiska dacwadda badda

0

Iyadoo maalinta beri ah la filayo in Maxakamadda Cadaallada Adduunka ee ICJ ay go’aan ka gaarto dacwadda xuduud badeedka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa qaar ka mid ah culimada Kenya ay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkaas uga digayaan in ay sameeyaan wax dibad bax ah dhinac kasta oo go’aanku u dhaco.

War ay soo saareen ayey ku sheegeen culimadu in si looga fogaado isku dhac qoomiyadeed aan la sameynin isu soo baxyo.

Dr Aadan Yoonis Sheekh Ibrahaim oo ah madax golaha sare e Muslimiinta dalka Kenya laanta gobalka waqooyi bari ayaa sheegay in Sooomalida looga baahan yahay ka Shaqeynta wax ay kujirto maslaxada Ummadda.