AKHRISO:- Ciidamada dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

0

Ciidamo ka tirsan Ururka 49 aad Guutada 10aad Qeybta 43aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen degaano hoostaga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Degaannada howlgallada laga sameeyay ayaa waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, balse ay Ciidamada dowladda la wareegeen, kuwaas oo kala ah,Tubaako Koreey iyo kudug.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in degaannada ay la wareegeen Al-Shabaab lacago uga qaadi jireen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, balse ay hataan gacanta ku hayaan.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan bowlgallada ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan amniga degaannada hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyewn degaano hoostaga degmada Baardheere, halkaas oo mararka qaar ay weeraro kala duwan ka fulin jireen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.