AKHRISO:- Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Ruushka iyo khasaaro ka dhashay

0

15 ka tirsan Ciiddanka Dalaayadaha ama Barshuutka ku soo booda ee dalka Raashiya ayaa la soo weriyey inay geeriyoodeen, halka 7 kalena ku dhaawacmeen, karib, markii ay Diyaaradii ay la socdeen maanta ku burburtay meel ku dhow Deggmadda Menzelinsk.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa L-410 Turbolet ayaa waxay dhacday, xilli ay ku jirtay Duullimaad ay ku tegaysay Jamhuuriyada Tatarstan, iyadoo ay la socdeen Koox ka tirsan kuwa Baarshuudka ku soo booda (A group of parachute jumpers).

Wasaaradda Gurmadka Degdega ee dalka Raashiya ayaa sheegtay in 7 qof laga soo dhex saaray burburka Diyaaradda, halka 15 kalena la helay iyagoo aan lahayn wax astaan nololeed (without signs of life).

Diyaaradda burburtay oo ahayd nooca Labada matoor leh ayaa la sheegay inay lahayd Heerka tayada Wanaagsan ee Amaanka Duullimaadyada Raashiya ( The Russian aviation safety standards).

Waayadan dambe, Shilalka Diyaaradaha ayaa ku soo badanayey dalkaasi, iyadoo Diyaarad nooceedu ahaa Antanov An-26 ay bishii hore ku burburtay Bariga Fog ee Raashiya ku dhinteen 6 qof.

Sidoo kale, bishii July 28 qof ayaa ku geeriyootay Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Gacan-biyoodka Kamachatka ee dalkaasi.