AKHRISO:- Guddoomiye Isxal oo ka digay in la siyaasadeeyo Ciidamada gadooday

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug C/raxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa sheegey in la siyaasadeeyay Gadood ay sameeyeen Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo muddo saddex bari ah shaqo joojin ku sameeyey Kastamyada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha oo Gaalkacyo Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in cabashada ay soo jeediyeen Ciidamada gadoodsan ay gaarsiiyren Madaxda ka sarreeysa, isla markaana uu rajeeynayo in 48 saacadood gudahood la xalin doono.

Waxaa uu ugu baaqay Ciidamada inay baneeyaan koontoroolka kastamka Canshuuraha ee magaalada Gaallacyo si ay Shaqada u socoto, wuxuuna sidoo kale uu ku baaaay in la siyaasadeeyo Ciidamada koontoroolka Magaalada Gaallacyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug C/raxmaan Cali Diiriye ayaa sheegay in marnaba aqbaleyn in cid si gooni ah meel wax u dhigata, waxaana uu ka dalbaday Shacabka iyo Ciidamada inay la Shaqeeyaan dowladda.