Qaar ka mid ah dadkii laga soo musaafuriyay Laascaanood oo dib u dejin loogu sameeyay Dhuusamareeb

0

Dad ka Badan Boqol Qof oo isugu jira Haween, Caruur iyo Rag Dhalinyaro u badan ayaa dib u dajin loogu sameeyey magaalada Dhusamareb, kuwaas oo ka mid ah Dadkii dhawaan laga soo raray Magaalada Laas-caano kana soo jeeda Gobolada Koofure ee Dalka.

Xildhibaan Ismaaciil Muqtaar Nuunow, oo Baarlamaanka Galmudug ku Matala Koofur Galbeed ayaa Gacan wayn ka gaystay in Dadkani lagu soo dhoweeyo Magaalada Dhusamareb, waxa uuna ku baaqay in la Gacan siiyo maadaaba qaar ka mid ah ay doorteen inay magaaladan dagaan.

Qaar ka mid ah Odayaasha deegaanada Koofur Galbeed ee ku sugan Dhusamareb ayaa dhankooda ka qayb qaatay Soo dhowaynta loo sameeyey Shacabkan Soomaaliyeed ee laga soo raray magaaladii ay ku noolaayeen Mudada dheer.

Maamulka magaalada Dhusamareb ayaa horay u balan qaaday inay soo dhowaynayaan dadkan la soo raray Qofkii rabana Magaalada la dajinayo, iyada oo wali ay si is daba jog ah wada ugu  soo socdaan Gawaarida Xamuulka ah ee Dadkaan soo daabulaya.