Khasaaro dhimasho ah oo soo gaaray Tahriibayaal lagu rasaseeyay Liibiya

0

Tahriibayaal isku dayay in ay ka baxsadaan goob lagu hayay oo kutaala dalka Liibiya ayaa rasaas lagu furay, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay lix qof oo kamid ahaa Tahriibayaasha baxsanayay ayaa la toogtay halka tiro kalana la dhaawacay, ciidamadii ilaalada ka ahaa dadkan ayaa xerada kusoo celiyay qaar kamid ah dadkii isku dayay in ay baxsadaan.

Sargaal katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in rasaas lagu furay Tahriibayaal isku dayay in ay ka baxsadaan Xero lagu hayay, waxa uuna intaas raaciyay  in rasaasta ay ku dhinteen qaar kamid ah Tahriibayaasha .

Sidokale waxa uu sheegay sargaalkan in ay wadaan baaritaan lagu ogaanayo dalalka ay kasoo jeedaan dadka la dilay iyo kuwa la dhaawacay, waxa uuna xusay in si dhaw ula socon doonaan xaalada dadka waxyeellada soo gaartay.

Dalka Liibiya ayaa waxaa ku sugan kumanaan Muhaajiriin ah oo ka kala yimid wadamo kala duwan, kuwaa oo doonayay in ay ugu sii talabaan qeybo ka mid ah Yurub.