Axmed Madoowe iyo taliye Odowa oo kawada had lay lada gaalanka Alshabab

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odowa Yuusuf Raage iyo Madaxweynaha Maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee deegaanada maamulka jubbaland iyodoona kulanka inta badan lagu gurfay nayay sida Alshabab looga saari lahaa deeganada ay ka hees taan Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale taliyaha ciidanka ayaa madaxweynaha jubbaland ku amaanay amniga magaalada Kismaayo iyo degmooyinka hoos yimaada ,iyadoona labada masuul ay isku garteen in la xoojinayo Ammanka Guud ee Maamulka jubbaland .

Maanta ayay aheed markii wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka ay safar ku tageen Magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel Gaarka u ah Maamul Goboleedka Jubbaland .

Saacadaha Soo socda ayaa sidoo kale taliyaha waxaa lagu wadaa inuu kulan laqaato qaar kamid ah Masuuliyiinya maamulka Jubbaland ,uu ugu horeeyo wasiirka Amniga Maamulkaasi iyo masuuliyiin kale .