AKHRISO:- Tababar ku saabsan sugida Amniga doorashooyinka oo laga furay Bosaaso

0

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta Tababar ku saabsan Maareynta Amniga doorashooyinka Golaha Aqalka Hoose ka furay Magaalada Bosaaso.

Tababarkaan oo socondoono muddo lix maalin ah waxaa kasoo qeyb galay Sarakiil ka socotay laamaha kala duwan ee Ciidamada,Qaar kamid ah Wasaaradaha Puntland Xubno ka socday Maamulka Dowladda Hoosse Bosaaso.

Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa sheegay in Tababarkaan uu muhiimad u leeyahay shaqadada laqaban doono si bulshada loogu edeego shaqo hufan oo dacaad ah.