UK oo liiska gaduudan ee COVID-19 ka saartay dadka ka tegaya Soomaaliya

0

Laga bilaabo 11 bishaan aynu ku jirno ee October ayaa waxaa UK liiska gaduudan ama casaanka ah ee Karoona virus ay ka saaraysaa dadka ka tegaya Soomaaliya ee u socda UK.

Xoghayaha gaadiidka ee UK Grant Shapps ayaa ku dhawaaqay talaabadan oo ay soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool UK.

Arrintan ayaa ka dhigan in dadka Soomaaliya ka imaanaya ay toos u soo gali karaan UK, iyaga oo aan meel kale soo marin ama aan la galin karantiil.

Wadamada Liiska guduudan laga saaray oo Somalia kujirto waxaa soo raaca wadamada kala.ah Afghanistan
• Angola
• Argentina
• Bolivia
• Botswana
• Brazil
• Burundi
• Cape Verde
• Chile
• Congo (Democratic Republic)
• Costa Rica
• Cuba
• Eritrea