AKHRISO:- Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta barqadii waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa degmada Afgooye iho degaanka Mareereey ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa goobjoogayaal sheegeen in lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka torsan dowladda oo ka yimid dhinaca degaanka Mareereey kuna soo wajahnaa degmada Afgooye.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sidoo kale Ciidamada qaraxa kadib ay fureen rasaas farabadan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada dowladda ee qaraxa lala beegsaday ay howlgallo miino baaris ah ka sameeyeen wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo degaanka Muuri, halkaas oo dhowr jeer ay qaraxyo ka dhaceen.

Maamulka iyo laamaha amniga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hooae weli kama hadlin qaraxa lala eegtay Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.