Uhuru Kenyatt oo eedeyn u jeediyay golaha ammaanka ee Q.M

0

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in si wadajir ah loo qaado tallaabo ku aaddan sidii loo suurtogelin lahaa in si siman caalamka loo gaarsiiyo tallaalka COVID-19, si looga soo kabto masiibada uu xanuunkaas abuuray.

Isagoo khudbad ka jeedinaayay kalfadhiga 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayuu Madaxweyne Kenyatta ku sheegay khudbaddiisa inay dhiirrigelisay hal-ku-dhigga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee sannadkan, kaas oo ah “Dhisidda hal-adeygga iyada oo la rajaynayo in laga soo kabto Covid-19”.

Wuxuu sheegay in Kenya ay u baroor-diiqayso in ka badan 5,000 oo Kenyan ah oo naftooda ku waayey masiibada wixii kahorreeyay todobaadkan iyo 4.7 milyan oo caalamka oo dhan u geeriyooday xanuunkan.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in saamaynta ba’an ee Covid-19 uu ku yeeshay socdaalka adduunka, dalxiiska, suuqgeynta, iyo maalgashiyada, ay sababtay hoos-u-dhac dhaqaale oo qoto dheer ku dhawaad hal qarni.

Wuxuu sheegay in dib-u kabasho guuleysata ay u baahan tahay jawaab celin caalami ah oo kalsooni leh, iyo sida ugu habboon ee lagu dhisi karo kalsoonidaas inay tahay in tallaalka Covid-19 laga dhigo mid dunidu u heli karto si siman.

Kenyatta waxa uu sheegay in nimaadka caalamka aanu sidii la rabay ugu shaqeyneyn dhammaan dadka iyo dalalka caalamka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga xorta ah, wax-soosaarka, aqoonta wax-soosaarka, gudbinta lacagaha iyo hubka sharcidarrada ah, wuxuuna Goalaha Ammaanka ku eedeeyay inay ka soo bixi waayeen ballanqaadkoodii ahaa inay wax ka qabanayaan caqabadahan.

Bisha soo socota ee Oktoobar, waxay Kenya la wareegi doonta guddoonka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay inuu soo bandhigi doono arrimo waaweyn oo dhowr ah, maadaama uu noqonayo madaxweynaha Golaha Ammaanka.