Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo Maanta Shir ku yeeshay Baydhabo

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir guddoomiyey Shirka khamiislaha ee Gollaha Wasiirada Maamulka oo ka qabsoomay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shirka ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin amniga deegaanada Maamulka, xakamaynta Cudurka halista ah ee COVID-19 iyo dardargelinta Qorshiyaasha loogu adeegayo shacabka.

Sidoo kale inta uu socday Shirka Golaha Wasiirada Maamulka ayaa Warbixino kala duwan oo la xiriira shaqooyinka Wasaaraddaha la siiyay Madaxweyne Lafta-gareen, isagoona ku boggaadiyay Wasiirada sida ay wadaan shaqooyinka.

Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo khamiis walba lagu qabto Magaalada Baydhabo ayaa waxaa diirada lagu saaraa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaannada Koonfur Galbees iyo dardar gelinta howlaha Amniga.