AKHRISO:- Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Baardheere

0

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa lagu qabtay kulan looga hadlayay Amniga degmada iyo degaannada hoostaga.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta Maamulka degmada ayaa diirada lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa sugida Amniga.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab uga fulin lahaayeen degaannada hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ayaa faray dhamaan Ciidamada inay dardar geliyaan howlgallada amniga lagu sugayo loogana hortagayo weerarada Al-Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Abaanduulaha Qeybta 43aad Ee Ciidamada Dhulka Xooga Dalka Soomaliyeed General Aadan Dhaqane Kaalmooy iyo Abaanduulaha Guutada 10aad Qeybta 43aad Gashaanle Dhexe Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, Taliyaha Saadka Guutada 10Aad Xidigle Jaamac Cabdi Aadan Oo Ku sugan Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.