AKHRISO:- Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay Shabeellaha Hoose

0

Degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa kulan ku yeeshay saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhawaan gaaray iyo Maamulka degaanka, kaas oo ay kaga hadlayeen sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee xoogga dalka Cabdullaahi Mustafe Cali ( Madaale Qaran) & Saraakiil kale oo horay ugu sugnaa degaanka, kuwa ka tirsan AMISOM Iyo Maamulka degaanka.

Guddoomiyaha degaanka Janaale Cabdiraxmaan Cabdinuur ( Alcadaalada) ayaa sheegay in amniga Guud ee degaanka uu yahay mid ka wanaagsan sida uu ahaa Sanad iyo bar ka hor, isla markaana Ciidamada Guurada 14-ka Oktober oo degaanka ku sugan ay habeen iyo maalin sameeyaan howlgallo ka dhan ah Al;-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa uu intaasi ku daray in maalmihii la soo dhaafay uu maqlayay in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay degaanka meel u dhow soo gaareen, waxaana uu sheegay in Ciidamada dowladda oo kaashanaya Maamulka degmada ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Dhinaca kale Taliyeyaasha Ururada 83aad & 84aad ee Guutada 14-ka Oktoober Gaashaane Nuuradiin Xuseen Macalin & Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa siwadajir ah waxaa ay u sheegeen inay u diyaarsan yihiin in la fuliyo howlgallo ka dhan ah AlShabaab.

Waxaa ay sheegeen inay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga saaro dhamaan tuulooyinka u dhow deganka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose si loo sugo amnigooda.

Degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo hoostaga Magaalada Marka ayaa waxaa uu kamid yahay degaannadii horay loogala wareegay Al-Shabaab dabataaqadii sanadkii 2019-kii waxaa tuulooyin u dhow mararka qaar ka dhaca weeraro & qaraxyo ay geystan Al-Shabaab.