Kulan looga hadlaayay amniga oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso

0

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa manta kulanka amniga la qatay Taliyahasha Saldhigyada iyo Guddoomiyaasha Xaafadaha Magaalada Boosaaso, si loo dardargaliyo amniga Boosaaso iyo isku xiritaanka Booliska iyo bulshada.

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari Xuseen Cali ayaa si wada jir ah warbixino ka dhageystay Taliyaasha Saldhigyada si ay uga warbixiyaan sida ay amniga uga shaqeyeen xaafadihii loo igmaday.

Guddoomiyaasha Xafadaha Bosaaso ayaa Taliska Booliska ku boggaadiyay wada shaqeynta Buuxda iyo isku xiritaan markii ay u baahdaan laamaha amaanka si ay uga jawabaan cabashoyinka timaada xafadaja ay xukumaan.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku dhiirigaliyay Sarakiisha iyo gudoomiyaasha Xaafadaha in si dhab ah ay u xaqiijiyaan amaanka oo bulsha markii ay la soo xiriraan ay uga jawabaan.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay Bulshada Boosaaso sida ay ugu xiran yihiin laamaha amaanka Gobalka Bari, isagoona ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro.