AKHRISO:- Wararkii ugu dambeyeey ee wanwanta laga dhexwado Rooble & Farmaajo

0

Waan waan lagu dhexdhexaadinaayo Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha xil gaarsiinta ayaa ka socda Magaalada Muqdisho.

Kulamadaan ayaa waxaa wadda Madaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Waxyaabaha looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah sidii lasoo afjari lahaa khilaafka loona dardargalin lahaa arrimaha doorashooyinka.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in wali labada dhinac aysan sameyn wax tanaasul ah taasoo caqabad ku noqotay guddiga dadaallada dhexdhexaadinta ah wadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wali ku adkeynaysanaya in uu meesha ka baxo taliyihii KMG ah ee NISA Bashiir Goobe iyo Wasiirka Amniga gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur.