AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo la kulmay Xildbibaanada Aqalka Sare ee la doortay

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar waxaa uu kulan soo dhoweyn ah ugu sameeyay Senatorada cusub ee Aqal Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa marka hore u hambalyeeyay Sanotarada Cusub ee dhawaan la doortay, kuwaas oo uu sheegay inay horyaallaan shaqooyin adag iyo u Shaqeynta Bulshadooda.

Qaar kamid ah Sanotarada la doortay ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle sida huufan ee uu u soo saaray liiska musharixiinta Aqalka Sare , isla markaana dhankooda ay guda geli doonaan howlihii loo igmaday.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,, Gudoomiye Ku Xigeenada Baarlamaanka Wasiiro Xildhibaano Maamulka Gobolka iyo Marti sharaf kale.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filahaa in Mahaalada Jowhar lagu dooryo laba kursi oo ka tirsan Aqalka Sare, kuwaas oo haatan uu muran xoogan ka dhex jiro.