AKHRISO:- Dowladda Somalia oo shaacisay in Bandow Habeenkii ah lagu soo rogi doono dalka

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay Habraaca Xakameynta Covid-19 ee Dowladda Federaalka Somaaliya kaasoo faraya mujtamaca Soomaaliyeed, dadka safraya, iyo kuwa u soo safraya Soomaaliya dhaqangelinta nidaamka caalimaga ah ee ka hortaga iyo xakameynta caabuqa COVID-19 iyo Talooyinka Wasaardda Caafimaadka si loo badbaadiyo bulshada Soomaaliyeed.

Qoraal dheer oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Somaaliya, iyadoo ka duuleysa xogta caafimaadka ee la socoshada isbedellada Caabuga COVID-19 ee gudaha dalka iyo dunidaba, ay cadeyneysO in cudurka
COVID-19 uu markii sadaxaad dib ugu soo laabtay dalka, Walow weli Baaritaan xaqijin ah ee
nooca Viruska aan la sameynin.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa shaacisay inay lagama maarmaan tahay in la raaco tallooyinka caafimaad ee ka hortaga iyo xakameynta cudurka saf-marka ah ee COVID-19, isla markaana la dhaqan geliyo nidaamka caalimaga ah ee ka hortaga iyo xakameynta caabuqa COVID-19 iyo Talooyinka Wasaardda
Caafimaadka si loo badbaadiyo bulshada Soomaaliyeed.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka walaacsan xaaladda isa soo tareysa ee dib u soo
laabashada caabuga COVID-19, waxay soo jeedineysaa in dalka gudihiisa si adag looga dhaqan galiyo talooyinka ay soo jeedineyso Wasaaradda Caafimaadka Federaalka, kuwaas oo kala ah.

1. In la dhimo ama la xaddido isu-socodka iyo kulamada marka laga reebo kuwa aan laga
maarmi karin iyadoo la hubinayo dhamaan habraacayda ka hortaga Covid-19.

2. Si loo xaddido faafidda degdega ah ee caabuqa Covid-19 ee guddaha dalka waxaan soo
jeedineynaa Bandaw habeenkii ah oo ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada soo xadidi doonaan waqtigisa.

3 In si caadi ah u sii shaqeeyaan gaadiidka dadweynaha qaada sida basaska, Bajaajka iyo
WM iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyadoo la ilaalinayo, lana hubinaayo Kala fogaashaha
dadka iyo isticmaalka af-xirka.

4. In dadweynahu si adag u dhaqan galiyaan isticmaalka af-xirka iyo kala fogaanshaha marka
ay jogaan Goobaha la iskugu yimaado sida suuqyada, Masaajidada, hoolalka Shirarka,
Maqaayadaha, Xafladaha iyo Goobaha kale ee adeega.