Baarlamaanka Carabta oo si kulul ugu hadashay khilaafka MW Farmaajo iyo RW Rooble

0

Baarlamaanka Carabta ayaa war kasoo saartay xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxeyna sheegeen in wax laga xumaado uu yahay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo & Rooble maadaama Soomaaliya ay gashay Xaalad kala guur ah oo waxaa socda Doorashada Aqalka Sare BFS.

BaarlaMaanka Jaamacadda Carabta ayaa qoraalkooda ku muujiyay halista ka dhalan karta Khilaafka, waxaa ay uu soo jeediyeen in Madaxda Qaranka ay iska fahmaan waxyaabaha ay isku hayaan sida hadalka loo dhigay.

“Waa nasiib darro Khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya, waa in xal loo helaa inta aanay fidin, waxa uu halis ku yahay oo uu burburin karaa geedi-socodka Dalka, tallaabada keliya ee furan waa in xal degdeg ah ay ka gaaraan Madaxda Qaranka” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta.

Sidoo kale waxey xuseen sidaan “tallaabo kasta oo loo qaado si mas’uuliyad darro ah ama aan laga fiirsan in ay dhaawici karto ammaanka, xasiloonida & midnimada, keliya waxaa looga gudbi waa in dedaal xooggan la geliyaa sidii la isaga fahmi lahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Baarlamaanka Carabta.

Baarlamaanka Carabta warkooda waxaa  lagu sheegay in uu diyaar u yahay ka qaybgalka wadahadal weliba oo miiska la isugu keennayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

“Baarlamaanka Carabta waxa uu diyaar u yahay in uu taageero tallaabo kasta oo lagu gaari karo is afgarad qaran, korna loogu qaadayo amniga gudaha & xasiloonida, si loo gaaro himilooyinka Dadka Soomaaliyeed ee ah Horumarka & Nolol Wanaagsan” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka