AKHRISO:- Shir looga hadlayo dilalka ku batay laascaanood oo Maanta furmaya

0

Waxaa lagu wadaa in Maanta Magaalada laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool uu ka furmo shir looga hadlayo amniga, kadib dilal ka dhacay Magaalada.

Shirka ayaa waxaa ku baaqay Odayaasha iyo waxgaradka Magaalada, waxaana ka qeyb galaya qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool Magaalada laascaanood, iyaga oo ka tashan doona sida loo sugi lahaa Amniga maadaama dilalka ay kusoo bateen Magaalada.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Magaalada laascaanood ayaa waxaa ay sheegeen in shirkaan aysan ka qeyb geli doonin mas’uuliyiin ka socda Soomaaliland, balse uu yahay mid Bulshada ay ku tashanayaan.

Magaalada laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ku batay dilal qorsheysan, iyada oo dilkii ugu dambeeyay loo geystay Cabdirsaaq Gardoofe oo ka tirsanaa Golaha degaanka Magaalada laascaanood.