AKHRISO:- Khilaafka ka dhex bilaabmay hogaanka Taalibaan

0

Khilaaf weyn ayaa ka dhex bilaabmay hoggaamiyeyaasha Daalibaan oo ku saabsan sida loo dhisayo dowladda cusub ee Afghanistan, sidaana waxa BBC-da u sheegay saraakiil sare oo ka tirsan Daalibaan.

Muranku wuxu u dhexeeya aasaasaha kooxda Mullah Abdul Ghani Baradar iyo xubin ka tirsan golaha wasiirada oo waxay isku maan dhaafeen madaxtooyada dhexdeeda.

Waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegaya ismaandhaafka hoggaanka Daalibaan taagnaa tan iyo markii Baradar laga waayay fagaareyaasha maalmihii la soo dhaafay.

Daalibaan ayaa la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan bishii la soo dhaafay tan iyo xilligaasna waxay ku dhawaaqday in dalkaasi yahay “Imaarad Islaami ah”. Golahooda cusub ee ku meel gaadhka ah gabi ahaanba waa rag waxayna ka kooban yihiin saraakiil sarsare oo Daalibaan ah, kuwaas oo qaarkood caan ku yihiin weeraradii lagu qaaday ciidamada Mareykanka labaatankii sano ee la soo dhaafay