AKHRISO:- Xiisad dagaal oo ka taagan degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

0

Xiisada dagaal oo u dhaxeeysa laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa ay ka taagan tahay degaanka Siigaale oo u dhaxaysa degaannada Dhagax-dheer iyo Baale oo dhanka Bari kaxiga degaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud.

Xiisada dagaal ayaa waxaa la sheegay inay salka heeyso labada maleeshiyo beeleed oo ku marmay Baraago Biyaha laga cabo oo ku yaal degaanka Siigaale.

Qof kamid ah dadka degaanka ayaa sheegay inay isku hub aruursanayaan maleeshiyaadka labada dhinac, isla markaana dadka degaanka hadii ay yihiin ay soo wajahday cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaar kamid ah dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku nool degaa ka Siigaale ay billaabeen inay degaanka ka barakacaan, iyaga oo cabsi ka qaba in uu dagaal la dhaco degaanka, isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarro.

Degaannada Siigaale iyo Gadoon ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horay dhowr jeer ku dagaalamay laba maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo dagaalkooda uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah