AKHRISO:- Gabdho Soomaali ah oo lagu dilay dalka Austria.

0

Magaalada Vienna ee dalka Austria gaar ahaan Xaafad ay ku badan yihiin Soomaalida ayaa waxaa laga helay Maydka laba gabadhood oo Soomaali ah, kuwaas oo sida la sheegay la dilay.

Gabdhaha oo Magacyadooda lagu kala sheegay Shukri Axmed Abtidoon iyo Faaduma Maxamed Xirsi ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen Soomaali, isla markaana dilkooda uu ka dambeeyay Wiil Soomaali ah oo qabay mid kamid ah Gabdhaha.

Ciidamada Booliska Austria ayaa tegay Goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo xiray Wiilka Soomaalida ah ee lagu tuhmayo dilka, kaas oo la sheegay in uu u adeegsaday mindi ama tooreey dilkooda.

Ehellada Gabdhaha la dilay ayaa Booliska ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo dilka, isla markaana Maxkamad la horgeeyo qof kasta oo lagu helo dilka Gabdhahooda,.waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Ninka falka geystay uu isticmaalay Maandooriyaha khamriga.

Dalka Austria ayaa waxaa dhowr jeer oo hore siyaabo kala duwan loogu dilay muwaadiniin Soomaali ah, waxaana dilalkaas badankood la sheegay inay geysteen Soomaali kale.