AKHRISO:- Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay Gobolka Gedo

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira, Millateri, Boolis iyo Nabadsugid ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay baaritaano ku sameeyeen Gaadiidka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Garbahaareey iyo Guryaha kuyaal degaannada ay howlgalka ka sameeyeen.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliyaee howgalka hogaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa sidii loo xaaiinin lahaa amniga degaannada hoostaga degmada Garbahaareey loogana hortegi lahaa weerarrada Al-Shabaab.

Saraakiishu ma sheegin waxyaabo ay kusoo qabteen howlgalka, hayeeshee waxaa ay sheegeen in howgallada ay sii socon doonaan ilaa iho inta laga xaqijninayo amniga degmada Garbahaareey iyo degaannada hoostagga.