Qoorqoor oo la kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya kula kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan maraxaladda siyaasadeed ee dalka hadda marayo, gaar ahan arrimaha taagan.

Waxaana Madaxweynaha iyo Danjiraha ay si gaar ah kaga wada hadleen xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana uu qayb ka yahay mas’uuliyiinta ku howlan sidii loo dhammeyn lahaa khilaafka xooggan ee kasoo dhex Cusboonaada Madaxweyne farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.