AKHRISO:- Ra’iisulwasaare Rooble oo amray dedejinta doorashada xildhibaanada Waqooyi

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay qabashada doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare,Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.

Kulanka ayaa sidoo kala waxaa ka qeyb galay Guddiga Doorashooyinka Somaliland, kulankaas oo uu sidoo kale ka qeyb galo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo bilaabo doorashada Aqalka Sare, maadaama lasoo afjaray khilaafkii ka dhex taagnaa labada dhinac.

Waxaa uu sheegay in laga doonaayo in aysan todobaadkaan la dhaafin.

Dhawaan ayay ahayd markii ay heshiis wada jir ah ay ka gaareen guddoomiyah golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka kaas oo lagu soo afjaray is afgaran waagi ka tagna arrimah doorashada gobollada waqooyi.