Ciidanka Ammaanka Puntland oo gacanta ku dhigay Shabakado lagu raad-joogay

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa howlgal qorsheysan oo sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen shabakadihii ugu weynaa ee maandooriyaha khamriga gelin jiray gudaha Puntland.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay degmooyinka Jarriiban iyo Galdogob ee Mudug, isla markaana ku qabtay laba kamid ah shabakadihii ugu weynaa ee maandooriyaha khamriga, kuwaasi oo ka kooban dhowr xubnood.

Ciidanka Booliska oo maalmihii na dhaafay baadi goob ugu jiray helitaanka shabakadaha ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dhammaan xubnaha Shabakadaha gudaha Puntland gelin jiray maandooriyaha khamriga iyo gaadiid ay ku howlgeli jireen.

Sidoo kale Saraakiisha Booliska Mudug ee hogaamineysay howlgalka ay sameeyeen Ciidamada ayaa Carabka ku dhuftay in xubnaha la qabtay dhawaan la horgeyn doono sharciga, si looga qaado tallaabo.

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa horey marar kala duwan qabtay maandooriyeyaal isugu jiray khmari iyo xashiish, waxaana xusid mudan in rag hubeysan oo ka ganacsada maandooriyaha iyo Ciidanka Booliska ay dhexmareen dagaalo geystay khasaaro.