AKHRISO:- Golaha wadatashiga Qaran oo la kulmay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM

0

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday QM oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada.

Kulanka ayaa Aalada Zoomka waxaa uga qeyb galay Madaxweynayaasha Hir-Shabeelle, Puntland iyo Jubbaland halka ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynayaasha Galmudug iho Koonfur Galbeed.

Wafdiga ay hoggaamineyso Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed ayaa waxaa ay horay ula kulmeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxsmed Cabdullaahi Farmaajo.