AKHRISO:- Daalibaan Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Eedaymo Ay Qaramada Midoobay U Soo Jeedisay

0

Ururka Daalibaan oo hadda isu bedelay Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa ka hadlay eedeymo ay Qaramada Midoobay u soo jeedisay.

Afhayeen u hadlay Taalibaan ayaa meesha ka saaray eedaymaha Qaramada Midoobey ee sheegaya in kooxda xagjirka ah ee Al Qaacida ay dhaqdhaqaaq ka wado Afghanistan, isagoo ku tilmaamay sheegashadaas mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Sohail Shaheen (oo la hadlay warbaahinta Pakistan, GEO) ayaa sheegay in Taalibaan ay ilaalin doonto ballanqaadkooda heshiiskii Doha (oo sannadkii hore lala saxiixday Mareykanka) si looga hortago in Afghanistan loo adeegsado saldhigga weerarrada dalalka kale.