SAWIRO:- Madaxweyne Dani oo Wasiirka Maaliyadda Puntland Ku amaanay tayaynta Ciidamada

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku ammaanay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi tayaynta iyo dib u habeynta Ciidamada Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ahna Guddoomiyaha Guddiga dib u habeynta Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale ku guuleystay in si joogto ciidamadu u helaan mushahar joogto ah.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay doorka guusha leh ee uu ka gaaray Wasiir Xasan Shire iyo gudiga uu Hoggaaminaayay tayaynta iyo dib habeynta Ciidanka ayaa sheegay maanta Puntland leedahay ciidan la isku haleyn karo.

“ …… Dib u habeynta Ciidanka oo uu Wasiir Xasan Shire madaxda u ahaa oo ku guuleystay iney Puntland maanta leedahay ciidan la isku halayn karo, ciidankaas oo kalsoonidoodii soo noqotay , tababar helay, mushahar joogta ah helay , sharaf iyo karaamo helay…” ayuu yiri

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu ku farxo marka uu arko saraakiil si fiican looga dhisay dhan walba , maanta laga arki karo tayayn iyo dib u habeyn muuqata.

“ Waxaan ku farxaa markaan arko saraakiil si fiican u lebisan , kulankii u horreysay aan saraakiisha la yeeshay waxa i yimid rag aan hadda tilmaami karin laba shaar oo kala duwan wata , kabo saandal ah wata , koofiyad aan lahayn , garaadana warkoodka iska daaye ku dhahaya Korneyl baan ahay, Maantana waxaan u maleynayaa haybadii idin ka muuqatay idinka markhaanti ka ah…” ayuu yiri Madaxweynuhu

Dowlad Goboleedka uu hoggaaminayo Madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ka go’an dib u habaynta ciidamada, mushaharaadkoodana si joogta ah u helaaan toosna uga dhacdo akoonadooda.