AKHRISO:- Muuse Biixi Oo Xilalkii Ka Qaaday Guddoomiyaal Gobol Iyo Guddoomiyihii Bangiga Dhexe

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu xilalkii ka qaaday mas’uuliyiin kalana u magacaabay guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliland iyo guddoomiyaasha gobolada Maroodi-jeex, Daad-madheedh, Sanaag, Hawd iyo Togdheer.

Muuse Biixi Oo Xilalkii Ka Qaaday Guddoomiyaal Gobol Iyo Guddoomiyihii Bangiga Dhexe
By Mahad On Sep 11, 2021
274
Share

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu xilalkii ka qaaday mas’uuliyiin kalana u magacaabay guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliland iyo guddoomiyaasha gobolada Maroodi-jeex, Daad-madheedh, Sanaag, Hawd iyo Togdheer.

Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland ay soo saaray wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/XKQ/222/1-713/092021 uu xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi;

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd

Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi;

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag

Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo;

Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe

Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar,

Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone

Ku: Abiib Xaamud Jibriil,

Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera

Mudane,

Sida aad la socotaan, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka.