AKHRISO:- Mareykanka oo maanta xusaya dhacdadii 11-kii September

0

Madaxda Mareykanka iyo shacabka dalkaasi ayaa isu diyaarinaaya ka qeybgalka xus loo sameynaayo dad gaaraya 2,977 qof oo ku dhintay weerarkii 11-kii Setembar ee ka dhacay dalkaasi.

Weeraradaasi ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Shabakadda al-Qaacida oo adeegsaneysa Sagaal iyo toban qof,waxayna lagu burburiyay daarihii dhaadheeraa ee Twin Towers iyo qeybo ka mid ah dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagoonka.

Muwaadiniinta 77 dal ayaa ka mid ahaa dadka waxyeeladu ka soo gaartay weeraradii loo adeegsaday diyaaradaha ee ka dhacay gudaha Mareykanka,gaar ahaan Magaalada New-York .

Ciidamada Mareykanka oo ka jawaabaya weeraradaasi ayaa bil ka dib ku duulay dalka Afganistaan,iyagoo doonaya in la ciribtiro al –Qaacida, lana ugaarsado Bin Laden.

Toban sano oo baadi-ggob ah ka dib sanadkii 2011 -kii markii ugu dambaysay ciidamada Maraykanka ayaa helay oo dilay Bin Laden ,isagoo gabbaad ka dhiganaya am in muddo ah ku noolaa dalka Pakistan.

Ciidamada Mareykanka ayaa bishii la soo dhaafay ee 31-kii Agoosto isaga baxay dalka Afganistaan,waxaana halkaasi ku soo afjarmay 20-sanooo ciidamada Mareykanka ay joogeen dalkaasi.

Dhanka kale,Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku baaqay in la muujiyo midnimo,qudbad uu jeediyay,xilli loo diyaargaroobayo xuska manta ee 11-ka Setembar.