AKHRISO:- Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo qaabilay Wakiilka Hay’adda Islaamic Relief ee Soomaaliya

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Wakiilka Hay’adda Islaamic Relief ee Soomaaliya Mudane Aliow Mohamed.

Kulanka waxaa looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Hay’adda Islamic Relief ka fuliso deegaanada Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wakiilka shaqada wanaagsan ee ay Hay’addu ka waddo gudaha Puntland.