AKHRISO:- Kulan u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble oo ka furmay Madaxtooyada

0

Waxaa tan iyo shalay deggan xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho, kadib dedaallo dhexdhexaadin ah oo la isugu soo dhaweynayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay u taagan yihiin dejinta xiisadda siyaasadeed, balse ilaa hadda ma cadda natiijada ay ka gaareen dhexdhexaadinta ay wadaan.

Goor dhow xarunta Madaxtooyada qaranka waxaa si rasmi ah uga bilowday kulan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sii xoogaystay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka.

Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabaya go’aanka madaxweynaha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax

Waxaa hadal heyn xooggan ka dhalatay go’aankii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xilka uga qaaday Wasiirkii Amniga Gudaha, jagadaas oo uu u magacaabay siyaasi kale.

Xassan Xundubeey Jimcaale oo xilkaas hayay waxaa lagu baddalay Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo loo dhaariyay xafiiska.

Balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa kasoo horjeedsatay go’aanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku magacaabay wasiirka cusub. Sidoo kale Xasan Xundubeey ayaa ku adkeystay inuu wali yahay wasiirka Amniga Gudaha.