Guddoomiye Shuute oo kaga digay ciidamada in ay ku milmaan doorashooyinka

0

Guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlay warbaahinta ayaa ciidamada ugu digay in ay ku milmaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka ka socda dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in gal dacwadeed laga furi doono saraakiisha iyo askarta ku milma siyaasadda inta ay doorashooyinka socdaan.

Sidoo kale guddoomiye Shuute ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in qof walba oo ka tirsan ciidamada qalabka sida uu ku ekaado shaqadiisa oo uusan ku mashquulin howlo ka madaxbanaan waxa uu u hayo qaranka.

Hadalka kasoo baxay Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa kusoo aadaya, iyadoo dalku galay waqti doorasho cabsi badana laga qabay in ciidamada qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar ah.