Khilaaf Culus oo ka dhashay xil markale NISA looga magacaabay Kulane Jiis.

0

Marka laga soo tago doorashada Soomaaliya oo si rasmi ah u bilaabatay, waxaa kale oo wararka ugu saameynta badan todobaadyadan yihiin kuwo ku saabsan lagana helayo sirdoonka Soomaaliya.

Sida dadka intiisa badan ay warbaahinta kala socdeen waxaa saacihii la soo dhaafay banaanka usoo baxay xil markale hey’adda NISA looga dhiibay Cabdullahi Kulane oo Kulane Jiis ku caan ah, waxaana durba xogaha hoose muujinayaan in arintan uu ka dhashay khilaaf aad u culus.

Taliyaha dabagalka ee NISA Cabdullahi Daahir oo dadka badankii u yaqaanaan Cabdullahi Dheer oo xogo maalmihii danbeeyay soo baxay sheegayeen in loo wadoo taliyaha hey’adda, ayaa ka horyimid xilka loo magacaabay Kulane Jiis.

Khilaafkan waxaa xalay laga dareemay madaxtooyada Soomaaliya iyo xarunta NISA, iyadoo ay tani sii muujisay awoodaha is diidan ee hey’adda ka dhex jira.

Saaxiibada sadexda ahaa ee sanado badan sirdoonka Soomaaliya isku garabsanayay ee Fahad, Kulane Jiis iyo Cabdullahi ayaa kala huleelay kol dhaweyd markii Kulane xilkii laga tuuray islamarkaana Cabdullahi uu garab la noqday Ra’iisal wasaare Rooble.

Xilka hadda loo magacaabat Cabdullahi Kulane ayaa ah kaaliyaha dhanka siyaasadda iyo amniga ee NISA, balse Cabdullahi Daahir ayaa uga horyimid si dag oo salka ku heysa laba qodob.

Qodobka ugu horeeya ee taliyaha dabagalka u diidan yahay xilkan kale ee Kulane Jiis loo magacaabay ayaa ah inuu ka walaacsan yahay amniga Ra’iisal wasaare Rooble, oo xogaha muujinayaan in hanjabaad iyo hadallo kulul maalmihii danbe jireen.

Arinta labaad ee Cabdullahi Dheere kaga biyo diiday jagada loo dhiibay saaxiibkiisi hore waxaa lagu sheegayaa in markale arimaha doorashada iyo heshiisyadii jiray ku noqoneyso caqabad.

Ra’iisal wasaare Rooble oo dalka maqan kuna sugan London, ayaa la rumeysan yahay in uu ka xumaaday isaguna nin durba ninkii uu xilka ka qaaday jago kale lagu abaal mariyay.

Fahad iyo Farmaajo oo uu ku daaban yahay Kulane Jiis ayay dad badan walaac ka qabaan hab sami socodka arimaha doorashooyinka, waxaana Rooble iyo Cabdullahi Daahir ay garab ka helayaan xubno kamid ah beesha caalamka, madaxda maamul goboleedyada iyo mucaaradka.

Is qab qabsiga ka dhex aloolsan sirdoonka Soomaaliya ayaa dhinaca kale laga qabaa walaac inuu saameeyo howlihi sugitaanka amaanka.